Friday, July 4, 2025

Wafdi Mareykan ah oo ku sii jeeda Magaalada Kismaayo iyo Xaaladda Amniga oo si weyn loo akeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay xaaladda amniga magaalada, iyadoo la joojiyey isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo ka tirsan taliska AFIRCOM iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa laga sugayaa magaalada Kismaayo, kuwaaso sii amba qaadi doona wadahadal ay la leeyihiin madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) doorashadiisa ay ka hor timid dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo , isagoo aan wax wareysi ah siin saxaafadda, wuxuuna isla maalintaasi garoonka diyaaradaha Kismaayo kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka.

Qeyb ka mida Ciidamada Mareykanka ayaa xarun gaara ku leh Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ka howlgalaan.

Mareykanka ayaa waanwaan ka dhex wada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe oo xiisad cusub oo milateri u dhaxeyso Gobolka Gedo, waxana wadahadalka diidan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sharci darro ku tilmaamay dib u doorashada Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON