Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii socdaal laba maalmood qaatay uu ku tegay dalka Qatar.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo ahaa kii shanaad ee bishan gudaheeda uu dalka uga baxo ayuu wadahadal kula yeeshay dalka Qatar Amiirka dalkaasi Tamim bin Hamad AlThani oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labda dal iyo danaha ay wadaagaan.
AMiirka Qatar ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerayaan 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar, iyadoo ay sidoo kale Dowladda Qatar Soomaaliya ka fulineyso mashaariic horumarineed.
