Wafdiga Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ku sii jeeday dalka Mareykanka ayaa maanta ka duulaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay shalay baaqdeen.
Wafdiga oo socdaalkoodu la xiriiro kulamo ay magaalada Washington kula yeelanayaan madaxda Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF ayaa waxaa ka mida wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Ku-simaha NISA iyo la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Xubnaha wafdiga iyo jadwalkooda shaqo inta ay joogaan Mareykanka waxaa lagu shaaciyey baraha bulshada, iyadoo su’aalo badan ka yimaadeen cidda shaacisay jadwalkaasi.
LIISKA WAFDIGA RA’IISAL WASAARAHA
