Shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii afraad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa khadka Internet-ka ee ZOOM-ka uga qeyb galay wakiilada beesha caalamka.
Shirka oo uu guddoominayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa musharixiinta la hadaly Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo safiirka Dowladda Ingiriiska Ben Fender.
Wakiilada beesha caalamka ayaa musharixiinta la wadaagay walaaca ay ka qabaan Doorahada ay qabanqaabineyso dowladda Federaalka, iyagoo ku adkeystay inay doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo kalsooni ka heysata dhammaan dhinacyada kala duwan, arrintaasina ay kala hadlayaan Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale waxaa shirka musharixiinta lagu casuumay Guddoomiyihi hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo lagu soo dhoweeyey shirka Musharrixiinta, wuxuuna kala qayb galay shir gaar ah oo lala yeeshay Safiirrada Beesha Caalamka ee ka howl gala Soomaaliya.



