Wararka laga helayo Xafiiska Siyaasadda Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in wakiilada Beesha caalamka ay faragelin ku sameeyeen xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Xiriiro dhinaca telefoonada ah oo dhex maray qaar ka mida wakiilada Beesha caalamka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa looga dalbaday inay si degdeg u joojiyaan colaadda magaalada Gaalkacyo isla markaana ay degdeg u yimaadaan magaalada Muqdisho oo shirkii Madasha uu ka furmayo.
Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaliya Micheal Keating ayaa la sheegay inuu xiriiro toos ah la sameeyay C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed, iyadoo ay ku wehliyeen madaxa Midowga Afrika iyo wakiilada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa hareysay shirkii madaxda madasha Qaran ee lagu wada inuu Mudisho ka furmo 10-kii Bishan oo dib u dhac ku yimid.
Goobjooge.com