Sunday, June 22, 2025

Shirkii Madasha oo hakad ku jira & Wakiilada Beesha Caalamka oo soo fara geliyay

Shirkii gaarka ahaa Madaxda Soomaalida uga furmaya magaalada Muqdisho 25-kii Bishan ayaa hakad ku jira, iyadoo aanay wax shir ahi dhicin kadib kulankii la isku khilaafay ee galabnimadii Isniinta furmay, waxaana shalay iyo xalay socday shirar kala gaara.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa shirar kala gaara la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee is khilaafsan waxaana la sheegay inuu gaarsiiyay fariinta Golaha Amaanka ee laga doonayo inay go’aan mideyn qaataan ka hor 28-ka oo ku beegan Khamiista Beri.

Wakiilka cusub ayaa u sheegay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe inay tanaasul muujiyaan, wuxuuna ka digay haddii aaanu wax heshiis ah soo bixin in Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD ay la imaan doonaan Qorshe cusub.

Ad

Waxaa weli cakiran shirkii Madasha iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh maanta ka duulayo Muqdisho kuna sii jeedo Nairobi iyo Addis, waxaana howsha sii wadi doona oo uga wakiil ah Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON