Friday, June 27, 2025

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo kashifay xaqiiqada ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliya [Akhriso]

Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ee la shaqeeya ciidammada xoogga dalka, aysan lahayn qorsho wada shaqeyn iyo isdhexgelin ah.

Francisco Madeira wuxuu sheegay in tababarada kala duwan ee ciidammada Soomaaliya la siiyo aysan ka muuqan goobta dagaalka ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo AMISOM ay bilowday in si aayar ah uga baxdo Soomaaliya. Illaa 1000 askeri ayaa illaa iyo hadda ka baxay dalka. In AMISOM ay bilowdo ka bixidda Soomaaliya wuxuu ka dhashay qaraar ay Qaramada Midoobey saxiixday bishii August.

Qorshaha wuxuu yahay in masuuliyadda howlgalka ay la wareegaan ciidammada xooggadalka Soomaaliya. Askarta ayaa laga doonayaa in ay qeyb muhiim ah ka noqdaan dhowridda amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Presentational grey line

Qodobada ugu muhiimsan ee uu ka hadlay madaxa AMISOM

  • Ciidammada Soomaaliya isku tababar ma ahan, mana wada howlgali karaan
  • Ma lahan talis sax ah iyo xakameyn
  • Waxaa tababara EU, Turkiga, UAE iyo dalal kale
  • Wada shaqeyn la’aan ka dhexeyso dalalka soo kala tababara ciidammada Soomaaliya
  • Waxay ciidammadaasi ku kala biiraan maamul goboleedyo, shirkaddo gaar ah
  • Kuwa militariga ku biiray ma haystaan adeegga aasaasiga ah sida hub iyo hoy
  • AMISOM kun askeri ayey Soomaaliya ka saartay. Sannadka soo socdana kun kale ayaa la bixi doonaan
  • Militariga Somaaliya diyaar uma ahan in uu la wareego fariisimada AMISOM ay banneyneyso
  • AMISOM ciidammo badan way keeni kartaa, haddii maalgashi ay hesho
  • Tirada ciidammada waxay ku xiran tahay qalabka ay haystaan sida diyaaradaha
  • AMISOM in ay isku dayeysay in ay caawiso ciidammada Soomaaliya si hubka uusan gacanta ugu galin Al-Shabaab
Presentational grey line

Laakiin madaxa AMISOM wuxuu sheegayaa in militariga Soomaaliya aysan “diyaar u ahayn in ay la wareegaan saldhigyada ay AMISOM ka bexeyso iyo howlgalka amniga”.

Ciidammada Soomaaliya ma haystaan qalab ku filan, tiradoodana ma gaareyso inta loo baahan yahay, balse waxay hadda la howlgalaan kuwa AMISOM iyo ciidammo kale oo ajaaniib ah.

Francisco Madeira wuxuu sheegayaa in tababarka aadka loogu baahan yahay ee hadda socda uusan lahayn mabaadii’da aasaasiga ah.

Midowga Yurub, Turkiga, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo kuwa kale ayaa tababara ciidamada Soomaaliya, balse Madeira wuxuu sheegayaa in loo baahan yahay in la isu yimaado oo la isku raaco qaabka loo mideyn karo dadaalka la wado.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah ciidammada la tababaray ay maamul goboleedyo ka tirsan yihiin, qaarna ay ku biiraan shirkado gaar loo leeyahay oo amniga ka shaqeeya, kuwana ay ka tirsan yihiin militariga balse “aysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah sida hubka iyo xarrumo”.

AMISOM dhankeeda waxay wajeheysaa dhaqaale xumo ka dhallatay maalgelinta xaddidan, waxaana jirto cabsi ah in ka bixitaankooda uu saameeyo guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON