Saturday, July 5, 2025

Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia oo Dalab culus u kala diray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland [Akhriso]

Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay dagaalka Dhex maraya maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay inuu codkiisa ku biirinayo baaqii Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadda, si degdeg ahna xabad joojin uga dhacdo degaanka Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalamayaan.

Wakiilka Q/Midoobay ayaa ka digay in dagaal xilligan dhaca uu keeni karo barakac iyo xaalad bani’aadamnimo oo dhalatay iyadoo ay horeba u jireen xaalado ba’an oo ka jiray Soomaaliya, taasoo uga sii dareysa dhibaatada dadka rayidka ah.

Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si degdeg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON