Qoraal kasoo baxay Wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu cambaareeyay weerar hoobiyeyaal ah oo maanta lagu qaaday xarumaha UNSOM iyo AMISOM ee Xalane.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in maanta Duhurnimadii madaafiic hoobiyeyaal ah ay kusoo dhaceen gudaha xarumaha UN-ka iyo AMISOM ee caasimadda Muqdisho, wuxuuna Wakiilka Q/Midoobay si weyn u cambareeyay weerarkaasi, isagoo dadka ku dhaawacmay u rajeeyay inay degdeg u bogsadaan..”
“Waxaan si weyn u cambaareynayaa falkan argagixiso ee ka horjeeda shaqaalaheena ku howlan u gargaarida dadka Soomaaliyeed, nabad sameynta iyo horumarinta. Nasiib wanaag inta badan shaqaalaheena waxba kuma noqon weerarka. Waxaan u rajeynayaa saaxiibada ku dhaawacmay inay degdeg uga bogsadeen..” ayuu qoraalkiisa ku yiri James Swan.
Wuxuu intaasi ku daray inay jirin wax cudurdaar u noqon kara qalalaasaha iyo falalka argagixiso, wuxuuna caddeeyay in Q/Midoobay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto nabadda, xasiloonidai yo horumarka. Weerarka Hoobiyeyaasha ee Xalane ayaan weli cidna sheegan.