Thursday, June 26, 2025

Wakiilka Q/Midoobay & Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay kulan ku dhex maray Garowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Michael Keating oo gaaray magaalada Garowe.

Mudane Gaasoo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimid Magaalada Garoowe. “Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan inaan iska wareysano nabadeentii kasocotay Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya “ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Danjire Michael Keating ayaa isna sheegay inay Madaxweyne Gaas ay ka wadahadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq ee colaadda Somaliland iyo Puntland oo Q/Midoobay dadaal ugu jirto in xal loo helo.

Keating ayaa boggaadiyay xaalada amni ee magaalada Gaalkacyo isagoo amaan u jeediyay ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgala ,wuxuuna sheegay inay qabteen shaqo aad u muhiim.

Wakiilka Q/Midoobay Michael keating ayaa caddeeyay in Qaramada Midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista aayahooda.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/07/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/07/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/07/

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON