Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Xildhibaan Xasan Sheekh ayaa sheegay inay Amb Michael Keating ka wadahadleen arrimaha siyaasadda, Amniga iyo dahqaalaha iyo xaaladda Geeska Afrika, iyadoo aanu faahfaahin dheeraad ah bixin.
“isaga iyo Waxaan maanta kulan layeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb Michael Keating kaas oo aan ka wadahadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan; Dhinacayada Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa..” ayuu yiri Xasan Sheekh.
HOOS KA DAAWO