Qoraal jawaab ah oo wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ku hadlaya magaca Beesha Caalamka u diray Guddiga Doorashada Jubbaland ku caddeeyay inaan tallaabooyinka ay qaadeen Guddigaasi aanay ku filneyn si Doorashada Jubbaland u noqoto mid lagu qanci karo, xalaal ah, loona dhan yahay.
Qoraalka James Swan ayuu ku sheegay in 3-da maalmood ee ay Guddiga Doorashada Jubbaland dib u dhigeen doorashada madaxweynaha ilaa 22-ka Ogost, iyadoo kaalin kooban ay ku leeyihiin guddoonka Baarlamaanka aysan nasiibdarro ku filneyn tallabooyinkii laga filayey inay qaadaan Guddiga ee ay ka wadahadleen wakiilada Beesha caalamka.
Waxaa kaloo qoraalka Wakiilka Q/Midoobay James Swan lagu caddeeyay inay Beesha caalamka caddeysay baahida loo qabo hal Doorasho, xalaal iyo xor ah, la iskuna waafaqsan yahay oo ay wada taageersan yihiin dadka Jubbaland, soona celin karta midnimadooda,
“Iyadoo aan wax laga qaban walaaca ay qabaan dhammaan dhinacyada ay quseyso, waxaa jira halis xoog leh ku jira in natiijada doorashadaasi ay noqoto mid taageero buuxda helin, taasoo oo loogu baahan yahay xasiloonida iyo dowlad dhisidda Soomaaliya..” ayuu qoraalkiisa ku jira James Swan oo mar kale ku booriyey guddiga Doorashada Jubbaland inay qaadaan tallaabooyin kale ka hor doorashada oo ay qaataan tallooyinkii iyo arrimihii uu ku caddeeyay warqadiisii hore.
