Saturday, July 5, 2025

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo Farriin u diray Madaxda Puntland & Somaliland

Wakiila cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo maanta booqday magaalada Garowe ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ay ka wadahadlee xiriirka labada dhinac iyo howlaha Q/Midoobay.

Wakiilka Q|Midoobay ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka sidii barnaamijyada hay’adaha UN-ka loo fulin lahaa iyo dadaalka loogu jiro wadahadal loo dhan yahay oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

James Swan ayaa sheegay inuu madaxweyne Deni kala hadlay khilaafka soo taagnaa ee Gobollada Sool iyo Sanaag iyo dagaaladii billihii ugu danbeeyay ka dhacay degaanka Tukaraq, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland inay hab nabadeed ku xaliyaan khilaafka dhex yaalla.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON