Wednesday, July 2, 2025

Waqooyiga Kuuriya oo sameysay tijaabadii ugu weyneyd oo Niyukliyeer ah

Waqooyiga Kuuriya ayaa shaacisay inay sameysay tijaabadii ugu weyneyd ee Hubka Niyukliyeerka ah, taasoo lagu guuleystay.

Tijaabada oo ahayd tii shanaad ee dalkaasi qaado ayaa warbaahinta dowladda ee Waqooyiga Kuuriya ay sheegtay kadib markii la dareemay dhul gariir goobta lagu sameeyo tijaabooyinka niyukliyeerka ee Waqooyiga bari ee dalkaasi ku taalla.

Dalka jaarka la ah ee  Koonfurta Kuuriya ayaa rumeysan in tijaabadan ay ahayd tii ugu weyneyd ayna tahay xaalad halis ah in Waqooyiga Kuuriya ay ku horumartay hubka Niyukliyeerka.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya haweeneyda Park Geun-hye ayaa ugu yeertay tijaabadaasi inay tahay mid baaba’a gudaha ah keeneysa, waxayna eedeyn ba’an u jeediyay dowladda dalka Waqooyiga Kuuriya.

Mareykanka ayaa isna ka digay tallaabo kale oo laga qaado dowladda Waqooyiga Kuuriya. Halka Shiinaha uu ku gaabsaday inuu taageersan  joojinta tijaabooyinka hubka niyukliyeerka ah oo xaaladda uga sii dari kara.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON