Friday, July 4, 2025

Waqtiga ay Baarlamaanka hor tegayaan Wasiiro laga keenay Mooshinno la-xisaabtan ah oo la shaaciyay

Guddoonka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay xilliga ay baarlamaanka hor imaanayaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo mooshinno laga keenay si wax looga weydiiyo shaqadaha Hay’adaha hoos yimaada.

Wasiir Amniga Gudaha Maxamed Ducaale Islow iyo Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa hortegaya Golaha shacabka, kadib markii xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka ay dalbadeen in Golaha la horkeeno si wax looga weydiiyo qodobo ku qoran mooshinnada labada wasiir.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa hortegay dhowaan Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka, laakiin waxaa loo sheegay inay kulanka Baarlmaanka hortagaan.

Wasiirka Duulista Maxamed C/llahi Oomaar ayaa Mooshinka laga keenay ku saabsan yahay xayiraadda ay wasaaradiisa saartay magaalada Kismaayo iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhalatay xayiraadda diyaradaha taga magaalada Kismaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON