Wednesday, June 25, 2025

Waqtiga cusub ee Maxkamadda la soo taagayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la shaaciyay

Iyadoo ay maanta dib u dhacay maxkamadeyntii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo maalintii saddexaad  u xiran dowladda Soomaaliya ayaa la shaaciyay xilliga mar kale la soo taagayo maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xildhibaanno saaxiibo la ah Siyaasiga oo si dhow ula socda kiiskan iyo qareenka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey inay maxkamadda dib u bilaaban doonto berri oo Khamiis ah 8:00 subaxnimo, iyadoo xeer ilaalinta Qaranka looga fadhiyo caddeymihii eedaha ay ku soo oogeen C/raxmaan C/shakuur.

Madax isugu jira kuwa maamul goboleedyada, xildhibaanada labada gole iyo siyaasiyiin ayaa dadaal ugu jiray in la sii daayo C/raxmaan C/shakuur iyagoo cadaadis ku saaray madaxda sare ee dowladda, balse waxay hadda arrinta isu bedeshay in sharciga lagu kala baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON