Mas’uul ka tirsan Waaxda Duulimaadyada dalka Kenya ayaa shaaciyey sababta keentay in Kenya ay Garoonka Wajeer u weeciso diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho ee sida tooska ah u tegi jiray magaalada Nairobi.
Dowlada Kenya ayaan weli wax war ah kasoo saarin go’aankan oo dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid siyaasadeysan oo xumeyn kara xiriirka labada dal, laakiin saxaafadda Kenya ayaa kasoo xigatay Agaasimaha Waaxda Duulista dalka Kenya Gilbert Kibe ayaa sheegay in sababta magaalada Wajeer loogu weeciyey duulimaadyadii Muqdisho ay tahay arrimo amni.
Wuxuu intaas ku daray inay arrintan socon doonto muddo saddex blilood ah ilaa 9 August 2019, xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono inay sii socoto iyo in la qaado oo diyaaradaha Muqdisho ka yimaada loo ogoloaado inay toos ugu degaan magaalada Nairobi.