War ay faafisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa inay in guddoomiyeyaashii gobollada Bay iyo Gedo ee kooxda Alshabaab ay isu dhiibeen ciidamada dowladda ayaa la beeniyay.
Warkan oo hore loogu sheegay labada Gudodomiye ee Alshabaab u qaabilsanaa Bay iyo Gedo Sheekh Macalin Geedoow iyo C/raxmaan Fiiloow ay is dhiibeen ayaa waxaa wareysi Idaacadda dowladda kala yeelatay Macalin Geedow, laakiin warbaahinta Alshabaab ayaa soo werisay in qofka la wareystay aanu ahayn macalin Geedow.
Guddoomiyaha Alshabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa la soo sheegay inuu shalay ku sugnaa ay Ugaas cusub ku duubatay Beesha Leysaan, taasoo ka dhacday tuulo u dhow magaalada Baydhabo, iyadoo la baahiyey khudbad uu ka jeediyay.