Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka.
Xuseen Cismaan Xuseen ayaa xilka agaasimaha NISA soo hayey tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan (muddo 8 bilood ah) ayaa is-tiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha oo la sheegay inuu ka aqbaly, waxaana sababta lagu sheegay arrimo u gaara, iyadoo aan faahdaahin laag bixin.
Sida lagu xaqiijyey barta Twitterka ee NISA is casilaada Taliye Xuseen Uurkuus ayaa ka tegay xilka Hay’adda NISA, iyadoo hore loogu eedeeyay inuusan wax khibrad ah u lahayn arrimaha Sirdoonka, waxayna xilligii uu madaxda ka ahaa noqotay mid ay soo wajaheen dhibaatooyin fara badan.
Wararka laga helayo dadka ku dhow Xuseen Uurkuus ayaa sheegaya inuu isku diyaarinayo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, isagoo ah Musharaxa ay madaxtooyadu wadato.