Friday, July 11, 2025

WAR CUSUB: Askari Gaari watay oo si lama filaan toogasho ku dilay Burcad dhac ka geysatay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa si lama filaan ah toogasho ku dilay laba nin oo ka tirsanaa koox burcad ah oo dhac ka geysatay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Askariga oo goobta ku sugnaa ayaa la kulmay rasaas ka dhaceysa Busteejada Macaani ee degaankaasi, wuxuuna ka jawaabay rasaasta, isagoo beegsaday Mootada rasaasta riday oo dableyda burcadda ahi ay wateen, wuxuuna halkaasi ku dilay laba ka mida burcadda, isagoo mid kale dhaawacay.

Kooxdan ayaa la sheegay inay macalin Dugsi ka soo dhaceen telefoon Mobile ah, iyagoo isku dayey in jidka oo ciriiri ahaa ay rasaas ku furtaan, kadibna ay arrintan qabsatay. Labada nin ee la dilay ayaa ku hubeysnaa Bistoolado.

Markii danbe waxaa goobta gaaray ciidamada amniga iyo maamulka degaanka Garasbaaleey, waxaana la qabtay darawalkii Mootada, iyo mid kale oo dhaawac ahaa.

Kooxo burcad qowleysato ah ayaa ka kacay magaalada Muqdisho, waxayna dhacdada maanta ahayd mid si lama filaan ah ku dhacday oo aan ku talagal ahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON