Sunday, July 13, 2025

WAR CUSUB: Boolis loo tababaray Maamul Goboleedyada oo ka howlgalaya Caasimadda Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah oo ay leeyihiin maamul Goboleedyada dalka laga howlgeliyay magaalada Muqdisho iyagoo xalay  ka bilaabay isgoysyada caasimadda inay amniga sugaan.

Ciidamadan oo ah Boolis tababar socday muddo saddex bilood ah ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti ayaa markii ku soo laabteen magaalada Muqdisho waxaa la dejiyey xarunta Gaadiidka Booliska Muqdisho ee degmada C/casiis, waxayna bilaabeen howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadan ka yimid dalka Jabuuti ay qaar ka mida deganadooda ku laabteen, laakiin intooda badan ay Muqdisho ka howlgelayaan xilligan, iyadoo arrintan lagu tilmaamay midlagu tijaabinayo.

Amniga Muqdisho oo hadda lagu wareejiyay ciidamada Booliska ayaa u muuqda mid marna lagu tijaabinayo ciidamo gaara, iyadoo xukuumadda ay u caalweysan tahay sugidda caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON