Boqorka Sacuudiga Salmaam Bin C/casiis ayaa soo saaray wareegto u ogolaaneysa in haweenka Sacuudiga ay markii ugu horeysay kaxeyn karaan Baabuurta.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in golaha wasiirada ay muddo 30 maalmood ah ku diyaarinayaan warbixin ku saabsan arrintan iyadoo wareegtadan ay dhaqan geli doonto June 2018.
Sacuudiga ayaa ahayd dalka kaliya ee dunida oo haweenka aanay kaxeyn karin baabuurta, iyadoo si weyn loogu dhaliilay arrintaasi. Waxaana hay’adaha ay quseys arrintan la amray inay sida sharciga ah darsaan bixinta leysimada kaxeynta baabuurta.
Arrintan ayaa qeyb ka ah isbedel weyn oo ka socdo Boqortooyada Sacuudiga oo dhowaan xuskii qaranimada dalkaasi ay ka dhacday fagaarooyinka in rag iyo haween ay isugu soo baxaan iyadoo dabaal degaya oo qoob ka ciyaar sameynaya.