Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Boqorka Beelaha Daarood oo ku yaboohay inuu dhexdhexaadinayo Dalalka Khaliijka

Mid ka mida hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaalida ayaa ku yaboohay inuu dhexdhexaadinayo dalalka Khaliijka Carbeed ee khilaafku ka dhaxeeyo.

Bayaan uu soo saaray Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayuu ku sheegay inuu ka walaacan yahay khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka uu gaaro meel halis ah, wuxuuna ugu baaqay boqorrada iyo dhinacyda khilaafka Khaliijka inay miiska wadahadalka ku dhameystaan arrimahooda.

Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu marti geliyo wadahadal dhex mara dalalka Khaliijka oo Beesha Daarood ay gogoshiisa dhigi doonto si la isugu soo dhoweeyo mowqifyada ay kala taagan yihiin.

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse
Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse

Wuxuu kaloo Boqor Burhaan bayaankiisa kaga dalbaday dowladda Ereteriya inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka lagu muransan yahay ee ay ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta Qadar.

Beesha Daarood ayaa la sheegay inay kasoo jeedo Carab, iyadoo ood wadaag la ah qabiilka Mahra ee dalka Yeman.

Waa hoggaamiye dhaqameedkii ugu horeeyay ee qaada tallaabo uu ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo xiisada siyaadadeed ee ka dhex dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

SourceArabi21

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON