Ciidamadad dowladda ayaa bilaabay inay hubiyaan oo ay baaraan gaadiidka AMISOM ee maraya meelaha muhiimka ah ee magaalada.
Arrintan ayaa maanta laga soo weriyay magaalada Muqdisho kadib markii kolonyo Gaadiidka AMISOM ka tirsan oo dooneysay inay marto meelaha laga ilaaliyo madaxtooyada ee Isgoysyada Tiyaatarka iyo Sayidka ay joojiyeen ciidamada ilaalada madaxtooyada.
Waxaa la arkayay askari Milatari ah oo ku amray askari waday gaari ka mida kuwa AMISOM inuu kasoo dego, si loo baaro, kadiba ayaa la sheegay in la weydiiyay Aqoonsi, waxaana la fasaxay markii la hubiyay xaaladiisa.
Iyadoo arrintan tahay mid ku cusub magaalada ayaa xogaha amniga ee la helay ay sheegayaan inay jiraan gaadiid ay Alshabaab ka qabsadeen AMISOM oo la sheegay inay qorsheynayaan inay u adeegsadaan falal amni darro ah.
Goobjooge