Shiinaha ayaa markii ugu horesyay ku eedeysay Mareykanka in laga yaabo inuu ka danbeeyo viruska Coron-a ee ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka China, kadibna galaaftay dad far badan.
Afhayeenka Xukuumadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay inay si weyn suuragal u tahay in ciidamada Mareykanka ay Coronavirus geeyeen magaalada Wuhan ee dalka China, sidaasina uu ku faafay, isagoo soo xiganayey warbixino ay jeediyeen hay’adaha Mareykankau qaabilsan caafimaadka.
“Goormee dhammaanayaa dulqaadka Mareykanka? Imisa qof ayaa qaaday cudurka? maxay yihiin magacyada Isbitaallada? Waxaa laga yaabaa in ciidamada Mareykanka ay ahaayeen kuwii Virus-ka CORONA keenay magaalada Wuhan. Yaan waxba la qarin. tirada aad heysaan soo bandhiga! Mareykanka waxaan ka rabnaa faahfaahin..” ayuu yiri Afhayeenka dowladda Shiinaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Arrintan waxaa hore looga soo xigtay sirdoonka Ruushka oo sheegay in Coronavirus uu abuuray Sirdoonka Mareykanka si uu ula dagaalamo Ganacsiga Shiinaha, iyadoo warkaas si weyn loo beeniyey laguna tilmaamay mid lala yaabo, markii baraha bulshada ay ku faafiyeen xubno ku dhow sirdoonka Ruushka.