Tuesday, June 24, 2025

WAR CUSUB: C/kariin Guuleed oo qarxiyay khilaaf ka dhacay shirkii Madasha Qaran

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qarxiyay khilaaf ka dhashay shirkii Madasha Qaran ee shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Isagoo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo oo uu saaka tegay, wuxuuna sheegay in Galmudug ay waafaqsan tahay go’aanadii Madasha Qaran, marka laga reebo in laba xubnood loo kordhiyay xubnaha Aqalka Sare Puntland ku yeelaneyso.

C/kariin Guuleed ayaa arrintan soo shaac bixiyay, iyadoo wax ka bedel weyn lagu sameeyay qaabka iyo tirada xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana muuqata in shirkii Madasha Qaran ee ugu danbeeyay oo muddo ka socday 7 maalmood la isku mari waayay, waxaana War-murtiyeedka la soo saaray uu ahaa mid kooban oo aan wax faahfaahin ahi ku qorneyn.

Xubnaha Puntland loo kordhiyay ee aqalka sare ayaa laga soo jaray xubnihii hore loo siiyay Somaliland, waana tan keentay in wasiirada, xildhibaanada iyo odayaasha Dirta Waqooyi ay qaadacaan Doorashada 2016, kuna hanjabeen inay ka baxayaan dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON