Sunday, July 13, 2025

WAR CUSUB: Cumar C/rashiid oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar  C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo saxaafadda loo qabtay ayuu CUmar C/rashiid ka sheegay inuu u taagan yahay tartanka madaxweynaha Soomaaliya 2016, isagoo sheegay inuu wax badan soo qabtay isla markaana ay jiraan qabyo uu doonayo inuu dhameystiro.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in uu soo bandhigi doono Buug uu ka sameeyay waxqabadka xukuumaddiisa, isla markaana uu rajeynayo in waxqabadkiisa lagu doorto.

Is-sharaxaadda Cumar C/rashiid ayaa culeys kale ku keeneysa Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna madaxda sare ee dowladda Federaalka yihiin dhammaantood noqdeen musharixiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON