Wednesday, July 16, 2025

WAR LA ABUURAY: C/weli Gaas oo magacaabay Safiir Puntland u fadhin doona Itoobiya…!!

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu magacaabay safiir Puntland u fadhin doona dalka Itoobiya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magaacabay in Sureer Abshir Muuse (Haamaan) ay noqoto  safiirka dowladda Puntlad u fadhin doonta dalka Ethiopia.

Warqadan oo marka si fiican loo eego u eg mid la kabkabay ayaa haddii ay run noqoto waxay noqon doontaa tallaabadii ugu horeysay ee nooceeda ay oo maamul Goboleed  ka tirsan Soomaaliya uu ku dhaqaaqo, iyadoo ay uga horeysay Maamulka la baxay Somaliland, waxayna albaabada u furi doontaa tallaabooyin noocan oo kale ah oo ay qaadaan maamulada kale.

Maamulka Puntland ayaa beeniyay wareegtada la been abuuray, waxaana wararku sheegayaan inay qeyb ka tahay loolan siyaasadeed ku wajahan Sureer Abshir Muuse oo hadda tartan ugu jirta kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka.

 

AKHRISO WAREEGTADA LA BEEN ABUURAY

wareegto-safiir

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON