Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ee xilka sii haya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ku eedeeyay Isbaheysiga Sacuudiga inay ka danbeeyeen duqeyntii lagu dilay 42 qof oo qaxooti ah.
Wasiirka ayaa warbaahinta dowlada u sheegay inay cambaareenayaan dadka Soomaaliyeed ee lagu laayey xeebaha Dalka Yeman, wuxuuna sheegay in dowladda Yeman ee Cabdi-Rabi Mansuur iyo Isbaheysiga ay mas’uul ka yihiin duqeynta.
Wuxuu sii raaciyay in laga doonayo Isbaheysiga inay dadka ay dileen magtooda bixiyaan, kuwa dhaawaca ahna daweeyaan, lana soo xiriiraan dadkii ay dileen ehelkooda. Wuxuu ku baaqay in Isbaheysiga uu baaritaan sameeyo.
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in duqeynta ay ka danbeeyeen isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Isbaheysiga uu beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay duqeyntaasi.
Tirada Soomaalida Qaxootiga ee ku geeriyootay Gantaal ay diyaarad Helikobtar ah ku riday Doon ay la socdeen Dad Soomaali ah ayaa waxay gaartay 42 qof.
Hadalka ka soo baxay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa ahaa mid aan la fileyn xilli Boqortooyada Sacuudiga ay saaxiibo dhow la noqotay dowladda cusub ee Farmaajo ayna u balanqaaday taageero dhaqaale.