Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay war cusub oo ku saabsan doorashada 2016.
Michael Keating oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayuu sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaliya ay dhici karto iyadoo aan la dhameystirin Baarlamaanka Federaalka.
Wuxuu sheegay in marka la soo doorto xildhibaanada Aqalka hoose tiro buuxin karta Kooram ay dhacayso doorashada madaxweynaha, isla markaasina aysan jiri doonin sabab ay doorashadu dib ugu dhacdo oo loo sugo inta xildhibaanada harsan soo dhameystirmaan.
Arrintan ayaa u muuqata inay meesha ka saareyso qaabkii loo dooran jiray madaxweynaha Soomaaliya doorashooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo la filayo haddii qorshaha Keating lagu socdo in xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo ka maqan Baarlamaanka la dooranayo Madaxweyne.
Tallaabadan ayaa keeni karta in dowladda Soomaaliya ay noqoto dowlad gooni isu taag ah oo ay ka dhisan Koonfurta Soomaaliya, taasoo halis ku ah midnimada dalka oo kaliya ku harsaneyd dowladaha la dhiso.
Goobjooge.com