Tuesday, July 15, 2025

WAR CUSUB: Gaari loo diyaariyay inuu Aroos qaado oo lagu qarxiyay Muqdisho

Qarax aan la fileyn ayaa ayaa qabsaday Gaari la sheegay in lagu qaadi lahaa aroos oo ku si jeeday goobtii caruusiinta ku sugnaayeen.

Gaarigan oo ah kuwa raaxada ayaa qarxay xilli uu socday agagaarka Isgoyska Dabka, waxaana dhaawac kasoo gaaray Darawalkii gaariga iyo laba qof oo goobta ka dhowaa.

Falkan oo aad uga yaabiyay dadkii arooska qabanqaabiyay uu goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa noqday dhacdo si weyn loo hadal hayo, waxaana dadka qaarkii ay nasiib ku tilmaameen in iyadoo aanay la socon caruuska iyo caruusadda uu qarxo.

Qaraxyada lagu xiro gawaarida ayaa inta badan lala beegsadaa mas’uuliyiin iyo saraakiisha dowladda, waana markii ugu horeysay ee Gaari u diyaarsan inuu qaado lammaane Aroos ah la qarxiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaariga uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON