Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa gaari la sheegay inuu siday waxyaabaha qaraxa lagu qabtay magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay hor qabateeyeen Gaari looga shakiyay inuu qaraxyo siday oo lagu arkay gudaha magaalada Muqdisho xilli ay caawa ka dhacday ciyaar kama danbeys ah oo ay ku tartamayeen degmooyinka Gobolka Banaadir.
Gaarigan ayaa la sheegay in la dhigay meel u dhow Villa Baydhaba, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaaso ah fadhiga saraakiisa sare ee ciidamada xoogga dalka.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta, iyagoo baaritaan ka wada halkaasi, waxaana saraakiisha ammaanka laga soo xigtay in gaariga ay baarayaan, iyadoo laga cabsi qabo in waxyaabaha qarxa ay ku rakiban yihiin.