Tuesday, July 15, 2025

WAR CUSUB: Guddoomiyihii Maxkamadda Alshabab ee Bariire oo Muqdisho lagu qabtay.

War kasoo baxay ciidamada amniga ayaa lagu sheegay in 19-kii Maarso lagu qabtay magaalada Muqdisho sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda waxaa howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho ay Ciidamada Amnigu kusoo qabteen madaxii Maxkamadda Alshabaab ee degaanka Bariire, Gobolka Sh/hoose, waxaana warka lagu sheegay in howlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sarkaalkan, sida loo qabtay iyo magaciisa, iyadoo aan sidoo kale lasoo bandhigin muuqaalkiisa.

Warbaahinta dowladda isla shalay baahisay in howlgal lagu qabtay laba sarkaal oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo mid kamida labadan nin uu Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan iyo fududeynta saddex qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho, halka ninka kale oo laga qabtay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde la sheegay inuu uu abaabulayay falal amni darro ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON