Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Hay’ad Ingiriis ah oo Sacuudiga ku eedeysay inuu taageero & maalgelin siiyo argagixisada

Warbixin ay soo saartay hay’ad samaysa daraasaadka ee Ingiriiska ayaa Boqortooyada Sacuudiga ku eedeysay inay tahay dalka  ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah, lagana maalgeliyo.

Warbixintan xambaarsan eedeyntan culus ee ay sameysay hay’adda the Henry Jackson Society ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Sacudiga isla eedahan loo heysto u jeediyay dalka Qatar oo xiisad ka dhalisay khaliijka.

Warbixinta the Henry Jackson Society ayaa lagu sheegay in shakhsiyaad iyo shirkado Sucuudi ah ay dibadda u dhoofinayeen wax ay hay’addu ku tilmaantay ‘fikradda Wahaabiyada ee aan loo dulqaadan karin, taasoo asal u ah argagixisada’.

Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Sucuudi Carabiya munaafaqnimo ku aaddan eedeynta Qatar ay ku eedaysay inay kaligeed maalgaliso argagixisada.

Safaaradda Sucuudiga ee London ayaa beenisay eedeymahaasi, waxayna ku tilmaantay mid been abuur ah. Hase yeeshee qoraaga warbixintan ayaa sheegay in uusan la yaabeyn jawaabta Sucuudiga.

Sacuudigu waa saaxibka ugu weyn ee Britain iyo jaalka xagga baayac mushtarka ee Britain ku leedahay Bariga dhexe. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Britain wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay shaaca ka qaaddo warbixinteeda sirta ah ee xagjirnimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON