Friday, July 11, 2025

WAR CUSUB: Hoggaamiyihii Daacish oo si yaab leh isu dilay, intii aysan qaban ciidamada Mareykanka

Ciidamada Mareykanka ee gaarka ah ayaa weerar ku qaaday Arbacadii Guri uu ku usgnaa mid ka mida Ragga aadka loo raadinayey oo ahaa hogaamiyaha kooxda dowladda Islaamiga ah ee Daaicsh.

Weerarka ayaa ka dhacay Gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay madaxweyneaha Mareykanka Joe Biden oo caddeeyay in weerarka lala beegsaday hoggaamiye Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla.

Ninkan oo aan si weyn loo aqoon ayaa la wareegay hogaanka kooxda Daacish Bishii Oktoobar 2019, maalmo kadib markii weerar Mareykanku ku dileen hogaamiyihii Abu Bakar al-Baghdadi, waxaana sidoo kale loo yaqaan Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa ku degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerar ku qaadeen guri ku yaala dhinaca ay gacanta ku hayaan fallaagada Suuriya, iyagoo dagaal socday muddo labo saacadood ah ku dhex marayay rag hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay rasaas is daba joog ah iyo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Atmeh oo u dhow xudduudda Turkiga, halkaasoo ay ku yaallaan xeryo ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay dagaallada Suuriya.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay 13 qof,oo ay ku jiraan lix carruur ah iyo afar dumar ah. Wararka soo baxay ayaa ka waramaya sida uu u dhintay Hoggaamiyaha Daacish.

Hogaamiye Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa la sheegay in markii dagaalku u soo dhowaaday uu qarxiyey Bam uu heystay, halkaasoo uu ku dhintay isagii, ayna la dhinteen qaar ka mida qoyskiisa oo caruur ku jiraan.

People inspect a destroyed house following an operation by the U.S. military in the Syrian village of Atmeh, in Idlib province, Syria, Thursday, Feb. 3, 2022. U.S. special operations forces conducted a large-scale counterterrorism raid in northwestern Syria overnight Thursday, in what the Pentagon said was a "successful mission." Residents and activists reported multiple deaths including civilians from the attack. (AP Photo/Ghaith Alsayed)
Blood covers the floor of a destroyed house after an operation by the U.S. military in the Syrian village of Atmeh in Idlib province, Syria, Thursday, Feb. 3, 2022. U.S. special forces carried out what the Pentagon said was a successful, large-scale counterterrorism raid in northwestern Syria early Thursday. Local residents and activists said civilians were also among the dead. (AP Photo/Ghaith Alsayed)
People inspect a destroyed house following an operation by the U.S. military in the Syrian village of Atmeh, in Idlib province, Syria, Thursday, Feb. 3, 2022. U.S. special operations forces conducted a large-scale counterterrorism raid in northwestern Syria overnight Thursday, in what the Pentagon said was a "successful mission." Residents and activists reported multiple deaths including civilians from the attack. (AP Photo/Ghaith Alsayed)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON