Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dowladda Itoobiya ay qeyb ku leedahay dhaqaalaha Dekada Berbera ee lagu wareejiyay shirkad Dubai World ee dalka Imaaraadka.Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shuceyb oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera ayaa laga soo xigtayin Dowladda Ethiopia ay Saami dhan 91% ku leedahay dhaqaalaha ka soo xarooda Dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa ka hadlay xafladii shirkadd Imaaraadka loogu wareejiyay Dekedda Berbera ayaa sheegay in Itoobiya ay qeyb ka tahay heshiiska Dekadda Berbera, kuna leedahay saami dhan 19%.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa ku dooday in Itoobiya ay qeyb ka noqotay heshiiska maadaama dadka lala ganacsanayo ay yihiin 100-ka milyan ee Itoobiya ku nool, taasoo la yaab ku noqotay dadka Somaliland oo su’aalo badan ka keenay arrintan.
Waa markii ugu horeysay ee la shaaciyo in dowladda Itoobiya ay qeyb ka tahay heshiiskii ay shirkad Imaaraad ah kula wareegtay maamulkeeda, kaasoo qeyb ka ah heshiis muran weyn dhaliyay oo uu ku jiro saldhig milateri oo Imaaraadka laga siiyay Berbera.
Goobjooge.com