Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa shaacisay maanta heshiiska saraakiisha Federaalka dalk Itoobiya ka dhex dhaliyeen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan xiisada Gaalkacyo.
Qodobadda heshiiska oo lagu qoray Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa ka mida:
- Xabad joojin labada dhinac dhex marta iyo inay ka dhowrsadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac.
- In la hakiyo dhismaha suuqa xoolaha ee Puntand la waday magaalada Gaalkacyo
- In Garoonka diyaaradaha Galmudug ee Gaalkacyo loo ogolaado inuu shaqeeyo.
- In la dhiso Guddi wasiiro isku dhaf ah oo shir ku yeesha magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan madaxda Madasha Qaran.
Heshiiskan ayaa soo baxaya iyadoo Puntland ay diiday inay wadahadal la yeelato guddi wasiiro ah oo Galmudug ka tirsan, isla markaana ay ka gaabsatay inay taageero waanwaantii uu waday Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Waxaa la yaab leh in heshiiska magaalada Gaalkacyo laga shaaciy Adis ababa, xilli Puntland ay eedeysay dowladii Federaalka isla markaana ay diidan wadahadal toos ah oo ay la gasho deriskeeda Galmudug.
Itoobiya ma sheegin cidda heshiiskaasi ka shaqeysay iyo goobta lagu gaaray midna, waxaana warkani oo kooban lagu sheegay in saraakiisha dowladda Federalka Itoobiya ay heshiiskan dhex dhigeen Puntalnd iyo Galmudug.
Goobjooge.com