Tuesday, April 16, 2024

WAR CUSUB: Jabhadda Tigray oo qabsatay magaalo weyn oo ka tirsan Maamulka Amxaarada

Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamadooda ay aqabsadeen magaalada Dessie ayna hadda ku sii wajahan yihiin magaalada kale ee Kombolcha.

Waxa uu sheegay in ciidanka TPLF uu gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidamada Ethiopia. Afhayeenka dowladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin sheegashada TPLF.

Ad

Agaasime iskuul ku yaalla Dessie ayaa sheegay in uu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay ilaa Jimcihii.

La wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Magaaladan ayaa ilaa 385 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waana magaaladii ugu xaggeysa dhanka koonfurta ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaarto tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON