Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: In ka badan 90 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka

90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kenyan ah ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka sababo aan kala caddeyn.

Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxiixo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Mareykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in saaka arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jiram kana soo degaan garoonka magaalada Nairobi.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi. Soomaalida la soo tarxiilay ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Mr Kiraithe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dadka Soomaalida ha ee laga soo tarxiilay Mareykanka ay soo gaareen garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON