Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa tallaabo uu Dhaxgaan waaweyn ku jaray Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka laga joojiyay inay u wareegaan wadadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.
Baalleyaal ayaa Dhagxaan waaweyn ku jaray, isgoyska halka laga dhisay Taallada 14-ka Oktoobar, waxaana Gaadiidka laga xiray inay ka laabtaan dhinaca Buulo-xuubey, iyadoo hadda wixii ka danbeeya ay u furan tahay halka ugu dhow oo ah Albaabka Wasaaradda Arrimaha dibadda.
Lama oga sababta keentay in la jaro kala wareegga isgoyska Soobe oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxayna arrintan culeys ku keeneysaa Gaadiidka isaga goosha degmada Madiina iyo magaalada inteeda kale.
Waxaa kaloo tallaabdan maamulka Gobolka Banadir qaaday xaalad amni iyo mahsquul ku keeni doontaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo albaabkeeda uu noqon doono goobta ugu mashquulka badan wadaddaasi.