Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa difaacay Golaha Iskaashiga ee ay leeyihiin maamul Goboleedyada, kaasoo loo sameeyay sidii looga hortegi lahaa dowladda Federaalka.
Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku dooday inuu Dastuurka dalka dhigayo in Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay is kaashadaan, danahoodana ka shaqeeyaan, iyadoo buu yiri wixii uu dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan, ayna ilaalin doonaan waxa u gaarka ah Puntland.
Mar uu ka hadlay xiriirka Puntland iyo Somaliland ayuu ku eedeeyay Somaliland inay ku xadgudubtay dhulka Puntland, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda, kan baxaan degaanada ay qabsadeen.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhinaca kale sheegay in dhismaha nidaamka Federaalka ee Soomaaliya ay Puntland qeyb ka aheyd, kuna bixisay naf iyo maal, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan xoojintiisa.
“Anagu ma rabo in dowladda Federaalka Soomaaliya ma rabo inay wiiqanto.. inay hore u socoto ayaan rabnaa.. dalku hadda waa qabyo sida dastuurka.. Anigu waxaan ka shaqeynayaa dhismaha dowlad sal adag ah, aragti kala duwanaanshaha jirta khilaaf uma arko… shaqsiyaad madax ah waa is qaban karaan… laakiin dowladda Federaalka Soomaaliya waa mid qura oo dadka Soomaaliyeed u wada baahan yihiin..” ayuu yiri Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid C/llaahi Deni.