Guddiga gaarka ah ee waaxda Cadaaladda Mareykanka u saartay baaritaanka arrimaha doorashada Mareykanka iyo faragelinta Ruushku ku sameeyay ayaa eedeyntii ugu horeysay ku soo oogay kaaliyeyaashii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Guddoomiyihii hore ee ololaha doorashada Donald Trump ninka lagu magacaabo Paul Manafort iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda ololaha Trump oo lagu magacaabo Rick Gates ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan wax is daba marin lacageed iyo xog been ah oo ay sheegeen.
Labadan mas’uul ayaa isu dhiibay waaxda Cadaaladda Mareykanka, iyadoo xarunta hay’adda baarista ee FBI-da lagu wareystay, waxaana lagu wadaa inay maanta kasoo muuqdaan Maxkamadda ee Washington.
Inkastoo qoraalka dacwadda ee uu soo diyaariyay guddiga gaarka ah ee uu hoggaainmayo Robert Muelleaanay xusin ololihi doorashada Trump ayaa labadan sarkaal ee sare waxaa lagu heystaa inay danaha Ruushka u ololeeyeen iyo madaxweynaha Ruushku taageerayay ee dalka Ukraine, iyadoo aan bixin lacagihii canshuurta , ayna is dhaafiyeen lacag ka badan 18 milyan oo doolar, iyagoo bixiyay caddeyno been ah oo xisaabeed.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay dhabbaha u furo baaritaan lugaha la gala Ruushka oo lagu ogaado xiriirkii ka dhaxeeyay ololihii doorashada madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump iyo kaalintii uu Ruushku ku lahaa in la doorto.
Waaxda dambi barista Mareykanka ee FBI ayaa sidoo kale baarayaan in Trump iyo kaaliyeyaashiisa ay isku dayeen in ay caqabad ku noqdaan baaritaannada iyo in kale.