Shalay subaxnimadii oo dalka Mareykanka ay ka socotay qabanqaabada xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump waxaa barbar socday mooshin lagu doonayo in xilka looga qaado.
Mooshinka waxaa wada laba urur oo u dooda xuquuqda aadanaha, waxayna ujeedadu tahay in Donald Trump laga qaado xilka madaxweynaha Mareykanka, waxayna sameeyeen website ololahaasi qaabilsan oo lagu magacaabo www.impeachdonaldtrumpnow.org, oo jimcihii hawada soo galay.
Labada urur ee mooshinka wada ayaa kala ah: Free Speech for People iyo RootsAction, waxayna aaminsan yihiin danaha iska horjeeda ee Trump ay saldhig u noqoneyso in xilka laga qaado.
Waxaa la weydiistay dadka Mareykanka inay saxiixaan waraaqaha ay u dirayaan Koongareeska Mareykanka, waxayna ku baaqeen in caddeymo badan loo raadiyo mooshinka laga wado Donald Trump.
Dastuurka Mareykanka ayaa qoraya in madaxweynaha iyo shaqaalaha dowladda dalkaasi xilka looga xayuubin karo marka ay ku kacaan oo lagu helo: Qiyaano qaran, Laaluush iyo dembi weyn.
Wakaalado