Monday, June 23, 2025

WAR CUSUB: NISA oo amar lagu siiyay inay soo qabato taliyaha Ciidamada weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo  baxeysa howlgal ay ciidamo uu Imaaraadka Carabtu tababarray ka fuliyeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare iyo guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamadan oo ahaa kuwa ka amarqaata Imaaraadka Carabta oo taliskoodu hoos tago Imaaraadka ayaa galay guriga Cabdi Qeybdiid maanta Duhurnimadii iyagoo ka qaatay telefoono iyo laba qori, isla markaana dhaawac geystay mid ka mida ilaalada guriga.

Warar aanu ka helnay talisyada ciidamada amniga ayaa sheegaya in la amray in lasoo xiro taliyihii watay ciidamada  weerarka ku qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid, iyadoo loo xil saaray ciidamada Nabadsugidda ee NISA.

Ad

Ciiiamada Imaaraadka tababarray oo dhowaan la sheegay in la hoos geeyay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaan weli ka amarqaata saraakiisha Imaaraadka, waxayna howgalkan sameeyeen si ka madax bannaan hay’adaha amniga dowladda.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in taliska ciidamada Soomaalida ee   Imaaraadka tababarray uu ku dooday inuu raad ka galay guriga Cabdi Qeybdiid, kaasoo salka ku haya raadraac ay ku hayeen telefoono lagu wadahadlay.

Xaaladda ayaa u muuqata in ciidamada Imaaraadku tababarray ay isu bedeleen awood gaar u taagan oo ka madax bannaan dowladda Soomaaliya sida ka jirta magaalada Cadan ee dalka Yeman oo Imaaraadka ay ka sameeyeen ciidamo Yemani ah oo iyaga ka amar qaata.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON