Friday, July 4, 2025

War Cusub oo kasoo kordhay sarkaal Boolis ah oo la sheegay inuu is- daldalay. [Daawo Xaaskiisa oo ka warbixisay]

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku dhintay magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay inuu is daldalay oo xarig qoorta isaga xiray, kadibna geed iska soo laadlaadiyey.

Ninkan oo warar hore u soo baxay ay sheegeen inuu is daldalay ayaa wararkii ugu danbeeyay waxay sheegeen in sarkaalkan oo ahaa Gaashanle Dhexe laguna magacaabi jiray Cabdi Cali Seed ayaa la dilay ee aanu isagu is-dilin, sida laga soo xigtay qaar ka mida qaraabada sarkalka.

Warbaahinta oo soo xigatay xaaska sarkaalka ayaa sheegtay in la dilay sarkaalka, isagoo saaka ka tegay guriga, kadibna ay heleen meydkiisa, lakiin aanay jirin wararka sheegaya inuu is dilay, isla markaana uu ahaa nin fayow oo aan wax dhibaato ah qabin.

Xaaska sarkaalka Deeqa Axmed ayaa sheegtay in xalay lasoo wacay oo loo sheegay in dhulka uu degan yahay la duminayo oo laga doonayo inuu ka guuro xerada Sheelare ee degmada Xamarjajab, kadibna xalay markii ay seexdeen ay saaka ka warheleen in meydkiisa la helay, waxayna beenisay inuu isagu is-dilay, iyadoo sheegtay ee la dilay, arrintiisuna baaritaan lagu hayo.

Taliyaha soo wacay ee ku amray inuu guriga ka guuro ayey ku sheegtay magaciisa SULUB, laakiin uu u caddeeyay inuusan jirin meel u guuri karo, kadibna saaka arrintan ay dhacday, waxaana goobta tegay saraakiisha ciidamada Booliska oo qoyska u wargeliyey inay iyagu aasayaan sarkaalka ayna la wareegayaan arrintiisa.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON