Sunday, June 22, 2025

War cusub oo ku saabsan Kiiska Ikraan Tahliil (4 Caqabad oo ka hor yimid Maxkamadda Milateriga)

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax Sarkaalkii ka tirsaneyd Hay’adda NISA ee la waayay ayaa soo saaray war cusub oo ku saabsan xaaladda kiiskaasi iyo halkii uu ku danbeeyay.

Shir jaraa’id o oay saxaafadda u qabteen Hooyada dhashay Ikraan Qaali Maxamuud iyo Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayey ku sheegeen inay Maxkamadda Milatariga ee kiiskan gacanta ku heysta ay u sheegtay in hay’adda NISA ay diiday in la baaro Hay’addaasi iyo dadka ka tirsan ee lagu tuhmayo kiiska.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa faahfaahisay xaaladda ka dhalatay dacwadii ay u gudbiyeen Maxkamadda Milateriga, waxayna la wadaageen in markii ay dacwadda gudbiyeen Maxkamadda, ayna qabsadeen Qareen 7-dii September 2021 ilaa hadda ay ka war sugayeen maxkamadda”

Ad

“Maxkamadda iyo Xeer ilaalinta waxay noo caddeeyeen in kiiskan ay ku gadaaman yihiin caqabado badan, sidaas darteed aan si sax ah la baari karin” ayey tiri xildhibaan Aamina, oo caqabado hortaagan kiiska kusoo koobtay:

1- In Xeer ilaalinta iyo Maxkmadda loo diiday inay galaan xarunta NISA ee kiisku ka dhacay, si baaritaan loo sameeyo.

2- Inuu Xarunta NISA hadda joogo NISA nin ka mida eedeysanayaashii lagu tuhunsanaa kiiskan oo Farmaajo u magacaabay NISA.

- Advertisement -

3- In loo diiday Maxkamadda iyo xeer ilaalinta xogta kaamerooyinkii ku xirnaa xarunta iyo agagaarkeeda, loona sheegay in la tirtiray.

4- Inaan loo ogoleyn inay wareystaan xubnaha NISA ee kiiska ku lug leho, loona fasixii doonin in si hufan loo baaro kiiskan.

Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa sheegtya inuu kiiskan hortaagan yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo diidan inay cadaalad helaan Ikraan iyo Kiiskeeda, ayna hayaan caddeymo badan.

Qoyska Ikraan ayaa la kulmay maanta Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna sheegeen inuu u ballan qaaday inuu ku taagan yahay cadaalad ay hesho Ikraan, kana shaqeyn doono arrintaasi.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON