Warar dheeraad ah ayaa laga faafiyey xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo laga helay cudurka Coronavirus isaga iyo xaaskiisa xalay.
Qoraal uu faafiyey Dhaqtarka Madaxweyne Trump goor dhoweyd ayaa lagu sheegay in xaaladda Madaxweyne Trump uu dareemayo Daal weyn, waxaana lagu duray Daawo xoojisa difaaca jirka ee (Regeneron’s polyclonal antibody cocktail) oo looga hortago inuusan cudurka Coronavirus saameyn weyn ku yeelan qofka uu ku dhaco.
Dhaqtarka Madaxweynaha Mareykanka Dr. Sean Conley ayaa sheegay in sidoo kale Trump la siiyay dawooyinka Zinc iyo Vitamin D, Aspirin iyo dawooyin kale, ayna xaaladiisa la socdaan dhaqaatiir fara badan oo aqalka cad ku sugan, xaaladiisana si dhow u baraya.
Dhinaca kale TV-ga CNN ayaa shaaciyey in Madaxweyne Trump uu ilaa saaka dareemayay madax xanuun darran, si degdeg ahna loogu qaadayo Isbitaalka Milateriga Walter Reed hospital. waxaana daawada lagu duray ay tahay mid tijaabo ku jirtay oo si rasmi ah loo fasixin, laakiin natiijo fiican laga dareemay.
Xaaska Trump ee Malania ayaa iyadu la sheegay inay kasoo daahireen calaamadaha qufaca iyo madax xanuun, xaaladeeduna ay fiican tahay. Halka qoyska Trump intiisa kale oo la baaray aan laga helin cudurka Coronavirus.
Sidoo kale Musharaxa Madaxweynaha ee la tartamaya Joe Biden ayaa dhinaciisa shaaciyey in isaga xaakiisa laga baaray cudurka Coronavirus oo laga waayay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay Trump iyo xaaskiisa.
