Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu joojiyay Doorashooyinkii Aqalka hoose ee ka socday maamulkaasi.
Tallaabada lagu joojiyay Doorashooyinkii ka socday Puntland ayaa salka ku heysa qoraal ka soo baxay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo intii aanu ka dhoofin magaalada Garowe soo saaray in la hakinayo Doorashooyinka.
Puntland ayaa olole ugu jirta inay kuraas dheeraad ah ka hesho Qoondada Aqalka sare ee Somaliland, iyadoo u doodeysa beelaha Harti Waqooyi, taasoo ay ka ka hor yimaadeen odayaasha iyo siyaasiyiinta Dirta Waqooyi.
Arrintan ayaa u muuqata mid dib u soo celineysa siyasaadii Puntland ee raadinta sedbursiga, iyadoo laga cabsi qabo inay khilaaf cusub ku keento doorashada jiitameysa ee 2016.
Goobjooge.com