Thursday, July 3, 2025

WAR CUSUB: Puntland oo Q/Midoobay ku eedeysay inay gacan ku leedahay Dagaalka Gaalkacyo

Puntland ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay fududeyneyso dagaalka Gaalkacyo ka socda ee kala dhaxeeya maamulka Galmudug.

Wasiirka arrimaha dagaalka ee Gaalkacyo u qaabilsan Puntland oo ah Wasiirka Degaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in UN-ka doorkoodu mugdi ku jiro dagaalka Gaalkacyo oo ay sahlayaan in ciidiamo dheeraad ay Galmudug u soo dirto Gaalkacyo.

wasiirka-dagaalkaWasiirkan ayaa sheegay ciidamo ka socda AMISOM la geeyay magaalada Cadaado, taasoo keentay in ciidankii ilaalinayey xarumaha maamulka Galmudug loo soo xawilo magalaada Gaalkaacyo inay ka qayb qaataan, wuxuuna intaas ku daray in  5 baabuur oo tekniko ah iyo 134 Askeri oo qaarkood ay yihiin NISA qaarkoodna ay yihiin ciidamadii ilaalada xarumaha maamulka loo soo diray inay ka qayb qaataan Colaada Gaalkacyo, iyagoo ahaa kuwa shalay weerarka  qaaday.

Wuxuu ku eedeeyay UN-ka inuu  kaalin howl fududayn ah siinayaan maamulka Galmudug iyo Diyaaradaha ay siinayaan in loo adeegsado sidii Hub iyo Rasaas looga keeni lahaa Xamar.

Puntland ayaa looga bartay eedeyn joogto ah oo ku saabsan  dagaalka Gaalkacyo, waxayna mararka qaarkood  lasoo shir tagtaa kuwo aan macquul ahayn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON