Maamulka Puntland oo sii wada tallaabooyinkii ka dhanka ahaa isu socodka dadka Soomaaliyeed ayaa soo saaray amarro kale oo xayiraad ku soo rogaya dadka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya.
Wareegto uu maanta soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Cumar aamey ayaa lagu sheegay in dadka isaga kala goosha Puntalnd iyo Koonfurta Soomaaliya looga baahan yahay inay iska diiwaan geliyaan Saldhigyada Booliska ayna leeyihiin damiin.
Amarrada ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ka muuqda xayiraad cusub iyo inay Puntland iska dhigeyso dal ka madax bannaan Soomaaliya, waxayna tani ka dambeysay markii ay dhowaan joojisay isu socodkii Gaadiidka magaalada Gaalkacyo.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA CAMEY
Goobjooge.com